Hargeysa (dayniiile.com)-Xaafada Cabeeye magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland waxaa maanta ka dhacday arin yaabkeeda leh markii hooyo u dhalatay Dalka Itoobiya  ay musqul ku riday cunug ay dhashay .

Ciidamada Dab-damiska oo lagu war geliyay ayaa durba markii ay goobta soo gaareen waxay musqusha ama boosaneerada ka soo saareen cunugii saqiirka ahaa.

Advertisement

Cunuga wuu dhintay madaama uu waqti ku jirey musqusha inkastoo ay isku day sameeyeen kooxda dab-damiska ee ka howlgala Somaliland gaar ahaan Hargeysa.

Xaafada Cabeeye waxaa la sheegay in lagu yaqaan in dadka degan ay badankood Soomaali ahayn oo ay ka kala yimideen dalal ay Itoobiya ka mid tahay.

Hooyadaan ilmaha ku tuurtay Musqusha ayaa ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ee Dalka Itoobiya waxaana qabtay oo gacanta ku haya booliiska Maamulka Somaliland kuwaasoo baaritaana ku haya.

Lama oga sababta ay hooyadaan Oromada cunugeeda ay gacanteeda ugu dishay balse sida caadiga ah ilmaha sharci darada ku dhasha ayaa inta badan qaabkaan ay ula dhaqman hooyooyinka dhalay si ay meesha uga baxdo yaa kaa dhalay ilmaha madaama aysan jawaab u hayn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Ciidanka dab damistaCiidanka dab damistaIlmo yar

Previous articleMaxaa ka jira in Dowladu warbixin ka soo saareyso xaalka Nageeye Cali Khaliif
Next articleMareykanka oo dadkiisa Kenya ku sugan uga digay weerar Alshabaab kaga yimaada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here