War kasoo baxay qaar kamid ah Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyay digniin la xiriirta dhibaatooyinka cunno la’aanta iyo kuwa caafimaad darro ee saameynta taban ku reebi kara dadka ku nool Geeska Afrika.
Bayaanka ayaa lagu muujiyay in dad badan oo ku nool waddamada Geeska Afrika in ay isugu darsantay dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo aadanaha uu sabab u yahay kuwaas oo kala ah, Abaar, isbaddelka Cimillada & Colaadaha.
Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in illaa 7 Dal oo ku yaalla Bariga Afrika in ay ka jiraan dhibaatooyin u badan cunno la’aan loona baahan yahay in gargaar degdeg ah loo helo si loo badbaadiyo Dadkaas.
Todobada Dal ee Hay’adda WFP sheegtay ayaa kala ah: Jamhuuriyadda Jabuuti, Dowladda Federaalka Itoobiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Koofurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, Kenya & Uganda.
Ku dhowaad 60 Milyan oo qof oo ku nool waddamadaan ayaa u baahan kaalmo degdeg ah si ay u helaan badbaado looga hortagi karo halista nafeed ee ka dhalan karta cunno la’aanta iyo caafimaad darrada heysata waa sida hadalka lood higay.
Digniinta Qaramada Midoobay iyo dalabaadka dhaqaale raadinta ah ay direyso ayaa kordhay sanadihii u dambeeyay balse waxaa lagu eedeeyay Hay’ado badan in wax u qabashada Dadka ay ka sare mariyeen in ay dhaqaale marka hore gacanta ku dhigaan.