Xudur (dayniiile.com)-Saraakiisha Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya ee ka howlgala Gobolka Bakool ayaa guulo ka sheegtay Howlgal Ciidan ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Xudur ee Xarunta G/Bakool.

Howlgalkaan oo ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Makiiney oo 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Xudur ayay Saraakiishu sheegeen inay Alshabab halkaas ka eryeen

Saraakishu waxay sidoo kale u sheegeen Warbaahinta Dowlada inay howlgalka ku dileen  3 ka mid ah kooxda Alshabaab.

Sidoo kale Waxaa howlgalka lagu furtay hubkii ay wateen  Alshabaab-kii la dilay .

Howlgalkaan ayaa qayb ka ah kuwa ay maalmahaan ciidanka xoogga dalka ka wadeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakoo.

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO VIDEO: Hirshabelle oo Maxkamado ka hirgalisay deegaanadii Alshabaab laga saaray
Next articleDab Xooggan oo Caawa ka kacay Degmada Xamarweyne iyo tukaamo la bililiqeystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here