Muqdisho(dayniiile.com)-Wararka aan ka heleyno Degmada Xamarweyne Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw oo caawa maqribkii  ah uu dab xooggan ka kacay guri kaasoo ku sii fidaya xaafadaha ku dhaw.

Guriga dabku ka kacay wuxuu u dhaw yahay Masjidka caanka ah ee Marwaas iyadoo dadka deegaanka oo aan la hadalnay noo xaqiijiyeen in dabku sii badanayo xili wadooyinka Xamarweyne uu ciriri yahay.

Advertisement

Sidooo kale dadka deegaanka waxay noo sheegeen in mar dhaw ay goobta soo gaareen kooxda gurmadka degdega ee dab-damiska Gobolka Banaadir.

Dhanka kale dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay in qaar ka mid ah tukaamada suuqa Xamarweyne la bililiqeystay kuwaasoo aad ugu dhaw halka dabku ka kacay.

Ciidamada Boliiska ayaa daqiiqado ka dib soo gaaray goobta xili waxoogaa bililiqo ah ay dhacday inkastoo boob baahsan uusan jirin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of fireMay be an image of 2 people and fire

Previous articleDowlada oo guulo ka sheegatay Howlgal Ciidan ay ka fulisay duleedka Xudur
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo booqasho dhiira-gelin ah ugu tagay ciidanka xasillinta caasimadda+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here