Muqdisho, Nofeembar 17, 2023;Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban.
Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda,
“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 12 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 13 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person and aircraftMay be an image of 1 personMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people
Previous articleDab Xooggan oo Caawa ka kacay Degmada Xamarweyne iyo tukaamo la bililiqeystay
Next articleDAAWO VIDEO: KIsmaayo oo lagu soo bandhiga Maandooriye fara badan iyo dadkii watay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here