Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.ayaa Dalka laga eryay kadib amar ka soo baxay Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Haweeneydaan oo xilkaan haysa wax aan sanad dhameyn ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay Dowlada Soomaaliya iyadoo lagu eedeeyay fara-gelinta arimaha u gaarka ah Soomaaliya.
Warar durba laga helay dhanka Qaramada Midoobe eyaa lagu shaaciyay in haweeneydaan shaqadeeda lagu ekeeyay bisha May ee maalmaha ay naga xigaan.
Sidoo kale Haweeneydaan lafteeda ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku gaabsatay in Somalia ay horumar gaari doonto islamarkaana Qaramada Midoobe ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Somalia.
Si kastaba sababta Dowladu u ceyrisay wakiilka Qaramada MidoobeCatriona Laing
ayay u badan tahay macaamilka ay la sameysay Maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray Dowlada Somalia iyo sidoo kale inay gaar ula macaamilayaan Dunida iyagoon u marin Dowlada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleMaxay Booliiska ku soo kordhineysaa Xarunta uu maanta dhagax dhigay Ra’iisulwasaare xigeenka+SAWIRRO
Next articleKenya oo xukuntay dhaqtar Muslim ah oo ku eedeysan faafinta cudur halis ah 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here