NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Dhaqtar Muslim ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali (Abu Fidaa) ayaa ka soo  muuqday Maxkamad ku taal Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kaasoo eedeymo dhowr ah loo jeediyay
Maxkamada ayaa shaacisay in dhaqtarkaan lagu helay laba danbi oo kala ah inuu Daacisha ka tirsan yahay iyo inuu doonayay cudur halisa inuu ku faafiyo shacabka Kenya.
Maxkamada oo ku taal magaalada Nairobi ayaa ugu danbeyn ku xukuntay  12 sano oo xarig ah xili hada uu 3 sano soo dhameystay.
Sidoo kale Maxkamada danbiyada ay soo bandhigtay waxaa ka mida inuu dhaqtar Fidaa xiriir la leeyahay Dagaalamayaasha Daacish ee ka howlgala Dalka Liibiya iyo inuu cudur halisa ku weerari rabay shacabka Kenya.
Waxaa ka mida eedaha loo jeediyayy inuu qorsheynayay weerar bayooloji ah siddeed sano ka hor islamarkaana uu rabay inuu weerarka u adeegsado fayraska kudka balse la qabtay sida ay sheegtay BBC-da  laanteeda afka Soomaaliga.
Mid ka mida dacwad oogayasha ayaa intaasi ku daray in Shabakada Maxamed Fidaa ay dhalinyaro Kenyaan ah ka caawisay inay dalkaasi ka baxaan kuna biiraan daacishta ka dagaalanta Siiriya iyo Liibiya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DHAQTARKA LA XUKUMAY
dhaqtarka la xukumay
Previous articleDowlada Somalia oo dalka ka ceyrisay Wakiilka QM
Next articleTaliyaha Sirdoonka Yuhuuda oo is casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here