KIEV (DAYNIILE.COM)-Dowlada Ukraine aya  soo bandhigtay nin Soomaali ah oo ay ku qabteen dagaalka xili uu ka ka barbar dagaalamayay ciidamada Ruushka.

Ninkaan oo saxaafada la tusay isagoo gacmaha ka xiran ayaa magaciisa lagu sheegay Caadil Cabdillaahi Maxamad islamarkaana ah Muwaadin Soomaaliyeed oo 28 jir ah.

Advertisement

Caadil Cabdillaahi Maxamad oo markiisii hore Muqdisho ka tagay ayay wariyayaashu su’aalo ka weydiiyeen dagaalka lagu qabtay waxaana uu sheegay in markii horaba uu ruushka u tagay inuu ka helo shaqo Milateri.

Caadil wuxuu intaasi ku daray in loo balan qaaday dhalashada dalka Ruushka iyo aduun lacageed 2 kun doolar balse ugu danbeyn uu u gacan galay ciidamada Yukreyn.

Dowlada Ukraine ayaa horay u sheegtay inuu ka mid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu soo kiraystay dalka Ruushka islamarkaana uu ka mid ahaa afar qofood oo ay dagaalka ku qabteen.

Soomaaligaan oo la qabtay 7-dii bishaan balse hada la soo bandhigay ayaa dhamaan wareysiga uu bixiyay iyo sheegashada Ukreyn midna cadeyn loo heyn madaama waqtiyadaan danbe laga soo warinaayay in Ruushu qasab ku askareynaayay dhalinyarada muhaajiriinta ah ee dalkiisa u taga inay uga sii gudban dalal yurub ka tirsan

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleShirkadda Maraakiibta Maersk oo sheegtay inay joojineyso tagi-taanka Dalal ay Somalia iyo Jabuuti ka mid yihiin
Next articleKoox dadka leysa oo ka dilaacday Mombasa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here