Sida warbaahinada Dunida qaarkood shaaciyeen waxaa cabsi ay soo wajahday Shirkadda weyn ee maraakiibta caalamiga ah ee Maersk taasoo dunida inta badan ku leh dhaq dhaqaayo ganacsi gaar ahaan dekadaha dalalka Badda leh.
Cabsida shirkadaan soo wajahday ayaa ka dhalatay weerarada ay bilahaan danbe Badda cas ka geysanayaan dagaal-yahanada u dhashay Dalka Yemen ee xuutiyiinta.
Shirkadda weyn ee maraakiibta caalamiga ah ee Maersk waxay ku dhawaaqday inay joojineyso tagi-taanka dalalka Bariga Afrika sida Somalia iyo Jabuuti ,waxayna si gaara u soo hadal qaadeen Dekadaha Berbera iyo Djabuti.
Go’aanka shirkadaan ayaa saameyn ku yeelan kara ganacsiga dalalka afrika qaarkood sida Jabuuti iyo Itoobiya oo badeecadahoodu u soo maraan degakada Dalka Jabuuti.

Dagaalyahanada Islaamiyiinta yemen ee la magac baxay Xuutiyiinta islamarkaana taageerada ka hela Dalka Jabuuti ayaa mar kasta waxay sheegaan inay weeraradaan la eeganayan maraakiibta Mareykanka iyo Yuhuuda si ay culeyska uga yareeyaan weerarada Gaza lagu hayo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleMaxaa ka jira in xuska Ciida Gaalada lagu qabtay Magaalada Jigjiga
Next articleSomali ka bar-bar dagaalamaayay Ruushka oo gacanta lagu dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here