Muqdisho, Maarso, 13,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad iyo labaad oo la gudo galay maalintoodii labaad, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Sanatarrada si la mid ah mudanayaashii kulankii hore waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada maanta la horkeenay ka doodistooda, halka kuwo kalana ay ku boggaadiyeen guddiyada dastuurka sida ay u soo qaabeeyeen qodobada dastuurka iyo faqradaha cusub oo ay ku soo kordhiyeen.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray gunaanadka kulanka ayaa waxa uu sheegay dooda cutubkan afaraad ay sii socon doonto maadaama uu aad u balaaran yahay.

DHAMMAAD
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 7 people, newsroom, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 14 people, dais and text
Previous articleSanatar C/qeyb-diid oo ka hor yimid qorshaha Dowlada
Next articleMadaxweynaha “argagaxisada inaan dalkeena ka saarno ayay karaamadeenu ku jirtaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here