Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo xooggan kawada Degmada Afgooye iyo tuulooyinka Hoostaga ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Afgooye ayaa sheegay in howlgalladaan ay daba-joogaan kaddib markii saraakiisha ammaanka ay shaaciyeen in ay kahortagayaan weerarrada ‘AS’ ay ka geystaan deegaannnada hoostaga Degmadaas.

Advertisement

Ciidamada howlgalka wada ayaa goobo cusub ka sameystay saldhigyo ay ku hubinayaan kuna baarayaan Gaadiidka iyo Dadka la socda, Saraakiisha ciidankaas hoggaamineysa ayaa sheegay in howlgalladaan sii soconayaan.

Deegaanno hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhowr jeer ka dhacay weerarro mas’uuliyaddoodu sheegatay ‘AS’ halka xaafadaha Degmadaas ay ka dhaceen dilal iyo dagaallo kooban.

Previous articleAqalka Sare oo ansixyey isku shaandhaynta Guddiyada Aqalka Sare ee BJFS
Next articleXoogaga Alshabaab oo Askar ka qaafashay magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here