Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 2aad oo ajandihiisu ahaa ansixinta isku shaandhaynta Guddiyada Aqalka Sare ee BJFS.

Ugu horrayn Xoghayaha guud ee Aqalka Sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa Sanatarrada la wadaagay Go’aanka Guddoonka Aqalka Sare iyo sida la isu raaciyay Xubnaha Guddiyada ee isku shaandhaynta lagu sameeyay.

Advertisement

Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray ayaa uga mahad celiyay Sanatarrada Aqalka Sare sida wanaagsan oo ay ugu raaceen isku shaandhayntii guddiyada ay sameeyeen, wuxuuna dhinaca kale faray xubnaha Guddiyada Aqalka Sare in ay laba jibaaraan waajib gudashadooda ku saabsan korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda.

Maalmihii u dambeeyey Guddi hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waday kulamo ay la xisaabtamayaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Previous articleMadaxweynaha Puntland oo ka hadlay arrin muddo hadal haynteedu taagneyd
Next articleCiidamada Ammaanka DFS oo howlgallo ballaaran kawada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here