No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxwaynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay ahmiyada ay u leedahay dagaalka ay kula jiraan xoogaga alshabaab oo aagag badan ay isku hor fahdiyaan.

Advertisement

“argagaxisada inaan dalkeena ka saarno ayay karaamadeenu ku jirtaa” ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha wuxuu intaasi ku daray inaysan suurtagal ahayn in Somalia ay noqoto god ay ka soo fulaan balaayada sida uu sheegay.

“suurtagal maaha,ummad ahaana karaama iyo sharaf nooma aha inaan noqono god mugdi ah oo ay ka soo fulaan balaayadu”ayuu yiri Madaxweyne Xasan

Sidoo kale wuxuu sheegay madaxweynuhu in Alshabaab aysan dalkeena kaliya dhibaato ku ahayn oo sidoo kalana deriska ay rabaan inay baabi’iyaan.

“la dagaalanka argagaxisadu waa masuuliyad qaran,waana masuuliyad caalami ah, maxaa yeelay argagaxisadu mushkiladoodu kuma eka dalkeena kaliya balse waxay doonayaan inay deriska  baabi’iyaan,sidoo kale gobolka aan ku nool nahay ee geeska afrika ayay doonaysaa inay baabi’iso, afrika ayay rabaan inay baabi’iyaan kadibna caalamka usii gudbaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Mar uu ka hadlaayay qorshaha dowlada ayuu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay u istaagtay sidii ay alshabaab uga saari lahaayeen dalka guud ahaan,

“Dagaalka Al-shabaab aan kaga saareyno hore ayuu usoo bilowday, meel fiican ayuu marayaa waxaana naga go’an inaan inta dhiman ka nadiifino dalka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleShirkii Baarlamaanka maanta maxa ku soo dhamaaday
Next articleXildhibaan Farmaajo “dastuurka hada laga doodayo maaha midkii hore ee waa mid cusub”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here