MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta muuqaal kooban soo duubay ayaa si kulul uga hadlay dooda dastuurka ee ka socota baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo wuxuu sheegay in dowladda ay sameysay dastuur cusub balse waxa laga doodaya uusan aheyn dastuurkii qabyada ahaa.

Advertisement

“dastuurka hada laga doodayo maaha midkii hore ee waa mid cusub”ayuu yiri Xildhibaan Farmaajo.

Sidoo kale qoraal uu soo dhigay facebook ayuu ku sheegay in Habraaca lagu furay Dastuurka uu yahay mid sharci daro ah sidaas daraadeedna uu isagu shaqsiyan u diiday inuu tago fadhiyada Baarlamaanka.

“Habraaca sharci darrada ah ee lagu furay Dastuurka iyo wakhtigan oo aan ku habboonayn furistiisa awgeed, waxaan ka gaabsaday in aan ka qeyb-galo fadhiyada Golaha Shacabka ee ku saabsan doodda aan sharciga ahayn ee beddelidda Dastuurka dalka”ayuu yiri Xildhibaan Farmaajo

“Duruufaha halista ah ee ku xeeran qarannimadeena waxay ahayd in hoggaanka dalku ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka, si aynu u wajahno khatarahaas ka dhanka ah jiritaankeenna iyo dowladnimadeenna ee ka imaanaya dibadda iyo gudaha”ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa Facebook

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha “argagaxisada inaan dalkeena ka saarno ayay karaamadeenu ku jirtaa”
Next articleTaliyaha Milatariga oo Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid dagaal+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here