MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa xalay Xaflad soo dhaweyn ah waxay Magaalada Muqdisho ugu sameeyeen  Sheekh Xuseen Cali  Jabuuti iyo  iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga oo ka mida Culumaa’udiinka caanka ah ee ka shaqeeya fidinta Diinta Islaamka.

Munaasabada oo ahayd casho sharaf ayaa Shiikha asxaabtiisa waxaa loogu sameeyay Xarunta Dowlada hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Advertisement

Xaflada waxaa soo abaabulay  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) .

Casha sharaftaan waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka arimaha gudaha Somalia Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir,Taliyaha booliiska Gobolka Banadir,Labada Gudoomiye xigeen ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Diiriye Yabooh iyo Ccadiis  masuuliyiin kale sida Xildhibaan Dr.Cusmaan Dufke .

Culumadan oo ka kala imaadeen Bariga Afrika ayaa u yimid Xamar inay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka,waxaana hogaaminaya  Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga.

Masuuliyiinta aan kor ku soo sheegnay ayaa hadalo kooban oo soo dhaweyn ah ka jeediya xaflada l.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMasuuliyiin kormeeray laamiyo loo diyaarinaayo nidaamka wadomarista wadooyinka.+Sawirro
Next articleTaliye Sulub oo sheegay in lala xisaab-tami doono qof kasta ee jabiya xeerka wada marista

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here