WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa looga hadlay go’aan dhawaan Mareykanka ka soo baxay oo ay dalkooda uga mamnuucay dalal ay Somalia ka mid tahay iyagoo ugu mar marsiyoonaya sababo dhanka amaanka ah.
Danjire Daahir Xasan Carab oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday inay kala hadlayaan madaxda sare ee Mareykanka sidii loo xalin lahaa arinta Mareykanka iyo Somalia ka dhaxeysa islamarkaana Dowlada Somalia ay diyaar u tahay xalinta caqabadaha amni ee mareykanku sheeganayo.
“waxaan diyaar u nahay in arrintaani aan u maareyno si diblomaasiyad leh ” ayuu yiri Danjire Daahir Xassan Carab
Sidoo kale Safiirka wuxuu xusay inay kala shaqeyn doonaan dowladda Maraykanka xallinta walaacyada amni taasoo sababtay go’anka degdeg ah ee ay ka qaateen dalal badan oo Somalia ka mid tahay.
Go’aanka Mareykanka sidii dhacday teeramkiisii horaba wuxuu caqabad ku noqonaya socdaalka dadka soomaaliyeed sida sharciga ah ku tagi lahaayeen Mareykanka si gaar ah wuxuu dib u dhigayaa ama meesha ka saaraya hadaan la xalin qoysaska Soomaaliyeed ee qaarna xaga jiran qaarna Somalia jiraan kuwaasoo doonaya inay midoobaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM