Muqdisho (dayniiile.com)-Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Safirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Kenay.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay   Jabriil Ibraahim Cabdulle inuu noqdo Safiirka cusub ee Soomaaliya uga wakiilka ah Dalka Kenya.

Advertisement

Jabriil ayaa lagu xasuustaa inuu dhowr mar isku soo sharaxay Xilka ugu sareeya Dalka ee Madaxweynaha Soomaaliya inkastoo uu ku guuleysan.

Jabriil Cabdulle wuxuu Kenya tagi doonaa maalmaha soo socda si uu xilka ugala wareego Safiirkii hore Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo dhawaan baneeyay xilkaan.

Dowlada Kenga ayaa maalmo ka hor sagootin u sameysay Safiirkii hore Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xilkaan hayay tan iyo 2017-kij dhamaadkisii.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleXukuumada oo gudaha iyo dibada ka wada fulinta wax ka badalka Dastuurka
Next articleSoomaaliya oo ku biirtay Urur Gobaleedka Bulshada Bariga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here