Guddiga Sare ee Maamulka Baanka Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo dhan $75 milyan oo loogu talagalay kab ka miisaanidda Dowladda, deeqdaas oo gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO).

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

Advertisement

Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xiligii ugu habooneyd ee dowladdu ay guul ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxa ayna sahlaysaa in si habsami leh ay u siiscodaan dadaalada aan aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Arrinta ayaa ku soo aadeysa xili dowladda Soomaaliya ay laba jibaar tay dagaalka ay kula jirto Musuq maasuqa iyadoon mas’uliyiin dhowr ah loo xir xiray.

Lama oga dhaqaalahan lasoo fasaxay sida loo isticmaali doono iyo qaabka loo maareyn doono iyadoo aysan wali jirin daah-furnaan dhab ah.

Previous articleGubida Qur’aanka Kariimka ee Saddexaad oo kicisay caalami Islaami iyo waxqabad la aanta wadamada Denmark iyo Sweden
Next articleKenya oo dowladda Federalka Soomaaliya ka rabta hal arrin oo laga fileynin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here