Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay xubin la sheegay in uu ka tirsanaa dagalaamayaasha Al-Shabaab kaas oo lagu magacaabo Isxaaq Mayow Maxamuud, kuna magac dheeraa Sayib, oo iksu soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka qeybta 60aad.

Sarwirka iyo xogta Isxaaq oo lagu faafiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu sheegay in uu muddo Afar sano uu Al-Shbaaab kamid ahaa uuna u qaabilsanaa  waxa loogu yeero Jabhada.

Advertisement

Isxaaq Mayow Maxamuud oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab in ay isaga soo baxaan ay Isku soo dhibaan Ciidanka xoogga dala Soomaaliyeed. Sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Soo bandhigista Isxaaq ayaa ku soo beegmaya xilli maanta Xarunta Qaran ee kahortaga iyo ladagaalanka waxa loogu yeero fikradaha xagjirka ah ee Tubsan ku wargalisay dhammaan Xubanaha ka tiran Al-Shabaab ee danaynaya in ay Dowlada isku soo dhiibaan in ay la soo xariiri karaan.

Xaruntaan ayaa agaasime waxaa looga dhigay Wasiirkii hore ee Amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur Ibraahim Aadan Ibraahim loo magacaabay Agaasime ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan.

Previous articleMaareeyihii dekadda Muqdisho “Shabaab la dirir, shabaab ku beddel waxba soo kordhin meyso”
Next articleDowladda Sweden oo soo masaafurineysa Kumanaan Qaxooti kasoo jeeda Somalia & dalal kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here