Magaalada Gaalkacyo ayaa dhawaan lagu qabtay 10 xubnood oo loo heysto inay yihiin Alshabaab u sii socday inay ku biiran kooxda Gal-gala ka dagaalanta.

Maxkamada Ciidamada ayaa la soo taagay 10-kaan nin kuwaasoo lagu eedeeyay qaarkood inayba ka dagaalameen Gobolka Mudug daaalo u dhexeeyay ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabaab.

Advertisement

Eedeysanayaasha 7 ka midaย  waxaa lagu soo eedeeyay inay hada safar u ahaayeen dhanka Gobolka Bari si ay ugu biiraan Alshabaabka ka dagaalama buuraha Gal-gala inkastoo abuukaare ay qabsadeen uu beeniyay isagoo maxkamada ka hor sheegay inay u diyaarsanaayeen sideey Dowlada isugu soo dhiibi lahaayeen balse la soo qabtay.

Deegaannadaย  la sheegay inay ka soo dagaalameen waxaa ka midaย  Ceel-lahelay, Sina-dhaqo iyo Degmada Bacaadweyn

Sdoo kale waxaa xubnahaani qaarkood lagu soo eedeeyay qal-qal-gelinta caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyagoo goobo ganacsi ka sameystay.

Si kastaba ‘Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa markii ay dhageystay dacwada waxay ku dhaaqday inay go’aanka maxkamada dib la isaga soo laaban doono insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here