Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Degmada Kaxda ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ‘AS’ xalay waqti dambe, dagaalkaan waxa uu ka dhacay Saldhigga Booliiska, Xarunta Degmada Kaxda iyo goobo kale oo amniga laga ilaaliyo.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka ay dhaawacmeen in ka badan saddex kale, khasaaraha ayaa intaas ka badan kara maadaama waqtigii dagaalkaas uu dhacayay Dadka guryahoodu ay joogeen.

Advertisement

Dowladda Federaalka weli faah-faahin kama bixin dagaalkaan ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxaana geeska kale howlgallo baaris ah wada ciidamada ammaanka si ay u ogaadaan xogta dagaalkaas.

Dadka deegaanka ayaa saakay iska xog-warreysanaya xaaladda iyo haddii waxyeello kasoo gaartay hubka la isku adeegsaday xiligii uu socday dagaalka dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya & ‘AS’ sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Previous articleDagaal goos-goos ah oo ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.
Next articleCiidanka Dowladda oo Kaabiga ku haya Ceelbuur iyo Galmudud oo war soo saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here