Faahfaahin dheere ah ayaa laga helayaa qaraxa ka dhacay dalka Swedan sida la xaqeejiey Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Dhismo la degan yahay oo ku yaalla magaalladda Norrköping ee Gobalka Östergötland ee K/Bari dalkaasi.

Sida lagu daabacay Wargeyska Maalinlaha ee ugu Caansan dalkaasi ee Aftonbladet ayaa qoray inuu Qarax xoogan ka dhacay gudaha Dhismo ku yaalla Bartamaha magaalladda Norrköping oo 160 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Stockholm.

Advertisement

Inkasto Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu dhacay Saqdii Dhexe ee xalay ee xilliga dalkaasi sida aytahay booliska ayaa sameeyey gurmad xoog leh maadma inta dadweynaha ay ahaayen kuwa hurda.

Ila wareedyo ayaa sheegaya in Haweeney iyo Ilmo yar ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi, kadib, markii ay ku dhaceen Faliirka ama jajabka ka soo duulay Muraayadaha Daaqadaha.

Masuul ka tirsna Hay’adaha Aminga ayaa oo laga mugacaabo Torbjorn Lindqvist oo ka tirsan Boliska oo la hadlay Wargeyska Aftonbladet ayaa sheegay in Jugta Qaraxa laga maqlay Bartamaha magaalladda Norrköping, isla markaana uu burbur baahsan soo gaaray Dhismaha uu Qaraxu ka dhacay, Muraayadaha ay soo wada hoobteen Muraayadaha Daaqadaha.

Sida laga xigtay afhayeenka Boliska magaalladda Norrköping, Marcus Annivor waxa uu isagana sheegay inay jiraan Caddaymaha Burburka Dhismo soo gaaray iyo hareerahiisa, isla markaana ay tiro Gaadiid iyo Dhismooyin soo gaareen burbur.

Waxaa jira dad badna in booliska waxay su’aalo weydiiyeen Goobjoogayaal badan oo iyagu maqlay Qaraxa, balse, booliska ma xirin dad looga shakiyey Qaraxa inkastoo hada kadib foojignaan dheere ah bilaabi doona hay’adaha amniga dalka.

Sikastaba ha ahaaate baritaano ayey Hay’adaha Ammaanka ee dalkaasi bilaabeen si loo ogaado haddii uu Qaraxaasi ku lug leeyahay falal khatar ah oo horey uga dhacay magaalladda Norrköping, iyadoo dhowr guri la rasaaseeyey walina lama helin sababta ka danbeesay qaraxa waxaa laga baqayaa in loo sababeyn.karo kitaabki qur’aanka ee lagu gubay dhawaan dalkaas.

Previous articleKusimaha Ra’iisul wasaaraha Ahne Wasiirka Cadaaladda Xasan macalim oo Shir gudoomiye Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Xaaladda Amni iyo Ansixinta Hindise Sharciyeedyo
Next articleDalka Singapore oo lagu wadaa in markii ugu horeysay muddo 20 sano ah lagu dilo haweeney, sida ay sheegeen dadka u dooda xuquuqda aadanaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here