MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Waxaa Caawa Dab xooggan uu ka kacay Guri ku yaal Degmada Dayniile gaar ahaan xaafada oodweyne kaasoo gaystay khasaare hantiyeed.

Dabkaan oo markii hore qabsaday hal guri ayaa ku sii fiday xaafadaha ku dhaw dhaw , waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir kuwaasoo dadaal badan muujiyay.

Advertisement

Mareegta Dayniiile.com oo la xiriirtay Kooxda Dab-damiska ayaa u xaqiijiyeen in dabku si isku mida u gaaray una baaba’shay 4 guri oo deris wada ahaa,mana jirto wax khasaare nafeed ah Alle ayaana ku mahadsan.

Waxay intaas ku dareen in dabku koronto ka bilowday isla markaana uu hal guri gubtay kadibna uu sii qabadsiiyay 3 kale.

“anaga markaan tageynayba afarta guri dabku wuu basbeeliyay oo waxba kama aanan gaarin dabeylaha xiligaan socda darteed iyo guryaha jiingadaha ah oo iyaguna u nuqul dabka darteed”ayuu yiri sarkaal ka tirsan kooxda Dab-damiska oo noo waramayay.

Kooxda gurmadka Gobolka Banaadir waxay ku guuleysteen inay dabka baktiijiyaan si guryo intaas ka sii badan uusan u sii gaarin.

Masuuliyiin ka tirsan Degmada Dayniile ee Magalada Muqdisho ayaa soo gaaray goobta dabku ka kacay sida Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Degmada Dayniile iyo Gudoomiye waaxeedka xaafadaasi kuwaasi goobta ku sugnaa ilaa iyo inta lagu guuleysanayay daminta dabkaasi.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXildhibaano Mucaarad ku ah Dowlada oo eedeyn ba’an u jeediyay Ra’iisulwasaaraha
Next articleDhimadhada shacabka Gaza oo gaartay 20 kun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here