War qoraal ah oo  ka soo baxay hey’adda NISA oo ay Faafisay wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey xogta howlgal culus oo dhacay Shabeelda Hoose, kaas oo lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay gudaha beer weyn oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalkaan, waxaana howlgalkaas fuliyey ciidanka NISA oo kaashanaya la howlgalayaashooda.

Advertisement

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay Gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuullada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Xubno badan oo Allshabaab oo gabbaad ka dhiganayay hawdka iyo geedaha ku yaalla deegaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalkaas oo saacado badan qaatay waxa ku dhintay ugu yaraan 45 xubnood oo Shabaab ah, saraakiilna ay ku jiraan, sida lagu shaaciyay xogtaan.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “in xubnaha  Alshabaab  ee Hawlgalka lagu dilay ay maleegaayeen weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay  ayaa laagu yiri qoraalka Nisa.

Gabagabadii qoraalka NISA waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Al Shabaab lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka saaraeen Alshabaab .

Previous articleCabsi dagaal oo ka jirta Garoowe iyo Qaxii ugu badnaa oo caawa halkaa ka jira
Next articleWaa sidee Xaalada Magaalada Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here