GAZA (DAYNIIILE.COM)-Wararka ugu dabeeya ee caawa laga helaayo Magaalada Gaza ayaa sheegaya in tirada dhimashada inay siin korortay.

Sida Aljazeera goor dhaw lagu baahiyay tirada dhimashada ayaa gaartay 20-kun oo shacab u badan waliba caruur, Haween iyo waayeelo.

Advertisement

Tan iyo markii dagaalkaani bilowday 7-dii bishii Oktobar 75 maalin gudahood ayay ku geeriyoodeen 20-ka kun ee reer Falastiin, gaar ahaan marasta reer Marinka Gaza.

Gumeystaha Yuhuuda iyo reer Galbeedka ku saacidaya dagaalka sida Mareykanka waxay dhamaantood 20-kun ruux ugu aar gudayaan 1200 Yuhuud ah oo Xamaas ay ku dileen weerarkii 7-dii Oktoobar ay ku qaadeen Yuhuuda iyadoo dagaalkiina wali uu sii socdo oo aan la ogeyn tirada inta ku darsoomi karta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMuqdisho: Dab Xooggan oo Caawa Guryo badan basbeeliyay
Next articleMadaxa who oo ka deyriyay halista gaajada iyo cudurada Gaza ku heysta Caruurta+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here