Dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka Deegaanka iyo ‘AS’ ayaa ka socda Deegaanka Cowswayne oo qiyaastii 20 KM u jira Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Advertisement

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in dagaalkaan uu billowday kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ay kordhiyeen howlgallada ay ku tagayaan tuulooyinka gacantooda weli ka maqan.

Weerarka ayaa ku billowday Gawaari lagu soo raray Walxaha Qarxa waxaana xigay dagaal toos ah oo illaa hadda oo ah 10:20 AM barqanimo ka socda deegaanka Cowswayne Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Weli si dhab ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo inta badan gaaray dhinacyada dagaalamaya waxaana adag in la helo xogo dheeraad ah oo muujinaya inta waxyeelladu gaarsiisan tahay maadaama xogtu ay xadidan tahay.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kahortageen weerarkaas, waxaana ay intaas ku dareen in ay sii wadi doonnaan howlgalladooda ka dhanka ah ‘AS’ waa sida ay hadalka u dhigeen.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha hawlgalka Caws-Weyne dib ayaan idin kala soo wadaagaynaa Insha allaah.

Previous articleShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in uu furmo Magaalada Dhuusamareeb
Next articleRW Xamsa Cabdi Barre: “Waxa aan diiradda saaraynaa Soomaali xor ka ah Deyn, AS, Musuq & qabyaalad”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here