Muqdisho, 24 February 20204 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey qorshaha Qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira saameynta kala duwan ee isbeddelka cimilladu ay ku yeelatay dalkeenna iyo heerka uu marayo qorshaha dalka ee la qabsiga isbeddelka cimillada.

Waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha qaran ee dhimista dikhowga hawada, taasi oo hoos loogu dhigayo walxaha hawada wasakheeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adkeysiga khataraha ka dhasha isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in isbeddelka cimilladu uu saameyn toos ah ku yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddello ballaaran laga dareemayey, waxaana uu faray hey’adaha dowladda inay qorshooyin cadcad ka soo gudbiyaan meelaha ugu daran ee u baahan maalgelinta isbeddelka cimillada.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 18 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 13 people and daisMay be an image of 1 person and dais
Previous articleXildhibaan Caga-weyne “Turkigu hore ayay isla Itoobiyaanka nooga difaaceen isla badda Saylac”
Next articleAxmed Madoobe oo daah-furey shirweynaha Machadka tababarka Garsoorka dalka.+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here