Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka hadlay dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa fariin u diray ciidamada, Shacabka, Mas’uuliyiinta & dhinacyada kala duwan ee qaybta ka ah dagaalkaas.
Waxa uu Guddoomiye Aadan Madoobe sheegay in iyada oo Baarlamaanka ay horyaallaan shuruuc kala duwan ay ka door-bidayaan in Xildhibaankii damacsan in uu tago furaha Dagaalka si uu qayb uga qaato dhiirragelinta la fasaxayo soo dhaweynayaan Guddoonkooda.
Muhiimadda koowaad ee dalka ayuu ku sheegay in ay tahay ‘In AS dalka laga saaro’ markaas kaddib la helayo metalaad dhab ah oo Xildhibaan weliba dib ugu laaban karo deegaan doorashadiisa si uu ula kulmo dadka uu ku metalo kursiga uu ku fadhiyo waa sida uu hadalka u dhigay.
“Aniga oo ku hadlaya Magacayga & kan Golaha Shacabka waxa aan bogaadinayaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Dalka, arrinta keliya ee dalka lagu badbaadin karo waa in Argagixisada laga saaro, Xildhibaannada qaar kamid ah ayaa aaday furimaha dagaalka si ay u dhiirrageliyaan ciidamada, inkasta oo shuruuc muhiim ah ay inoo taallo si aan meelmarino hadda waan soo dhaweyneynaa Xildhibaankii yiraahdo furimaha dagaalka ayaan aadayaa” Guddoomiye Aadan Madoobe.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa madaxda iyo shacabka Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland ugu baaqday in ay u diyaargaroobaan wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.
“Koofur Galbeed & Jubbaland waxa aan leeyahay waa in ay u diyaargaroobaan oo marka ay soo gaaraan ciidamada iyaga oo diyaarsan dagaalka wada galaan, wax weliba waxaa maanta ugu muhiimsan in nabad la helo, Waxa laga maarmaan ah in aan nafteena u hurno in cadawga laga xorreeyo ummadda Soomaaliyeed, ciidamada soomaaliyeed kama daba-harayaan oo way daba-socdaan, Shacabka waa in uu garab istaagaa oo uu diyaargaroobaa” Ayuu yiri Aadan Madoobe.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wajiga 1aad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ lagu soo gabagabeynayo Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle, halka qaybta 2aad uu si toos ah uga billaabanayo Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland.