Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacday xarunta tababarka ciidanka ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, isaga oo saraakiisha ciidanka faray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo.

Muuqaal socday afar daqiiqo iyo 15 ilbiqirqsi uuna faafiyay xafiiska warfaafinta Guddoomiyaha ayaa Sheekh Aadan Madoobe waxa uu weerarkii shalay ku tilmaamay in uu yahay mid mas’uuliyad darro ah, isaga oo ku sheegay in weerarkaas yahay mid ay fududeeyeen kuwa uu ku sheegay in ay yihiin Qaa’imiin.

Advertisement

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa weerarkaan ku sheegay in aysan suuragal ahayn in Ciidamada uu ka tirsanaado qof ka tirsan Al-Shabaab balse uu ku sheegay in uu yahay mid laga soo shaqeeyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa faray saraakiisha Ciidamada in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaan ay ku dhinteen tiro badan oo ka tirsan Ciidamada 14-ka October kuwaas uu fadhigoodu yahay Magaalada Marka oo ah xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyay safaf dhaadheer ay ku jireen ciidamo ka tirsanaa guutada taliska 14-ka October oo fadhigoodu yahay Magaalada Markaas, kuwaas oo la sheegay in ay tirakoob halkaas ku marayeen.

Lama oga sababta ka dambeysa in qof ismiidaamiye ah uu gudaha u galo xarunta ciidanka, islamarkaana uu isku dhex qarxiyo, balse warka ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Illaa hadda lama oga tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay iyo kuwa ku dhaawacmay, Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ma’aysan ka soo saarin weli war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here