MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta si weyn u beeniyay wararka social media la isla dhexmarayo ee ah in meydadka qabriyada iskuul buliisiya lacag la dul dhigay.

Gudoomiyaha wuxuu beeniyay ineysan jirin cid lacag laga qaatay,wuxuu xusay inay sharciga la tiigsan doonaam kuwa beentaasi faafiyay.

Advertisement

“qofkii keena cadeyn ah in lacag laga qaatay,degmada hanoogu yimaado waxaan balan qaadeynaa in ilaa heer maxkamadeed la tiigsan doono”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab.

Dhanka kale Gudoomiyaha wuxuu tilmaamay xitaa qofklii an awoodin inuu meydkiisa la baxo inay iyaga ka caawinayaan sidii uu howshiisa u qabsan lahaa.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here