Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka

Hanaankan cusub ayaa ah mid si digital ah loogu hubinayo xogta muwaadinka, hanaanka dirista baasaboorka iyo habka qaadashada intaba.

Advertisement

Adeeggaan cusub oo ah mid la jaanqaadaya habka casriga ah ee bixinta baasboorada, ayaa looga maarmi doonaa in lagu qoro gacanta codsiyada baasaboorka iyo xogta muwaadinka waxa uuna meesha ka saaridoona culeyskii ka iimaan jiray foomamka gacanta lagu buuxiyo, isaga oo soo gaabinaya waqtiga hubinta iyo daabacaadda intaba.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si joogta ah horumarin iyo isbedal casriyeysan ugu sameynaysa hanaanka adeeg bixinta taas oo ay hay’addu ugu gol leedahay fududaynta adeegyadeeda bulshada u hayso.

Previous articleRa’iisulwasaaraha oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista danbiyada CID+SAWIRRO
Next articleLafta-gareen oo magacaabay Taliye xigeenka Daraawiishta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here