Muqdisho, Maarso 07, 2024:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista danbiyada ee C.I.D oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb weyn ka qaadan doonno Horumarinta caddaaladda, ka hortagga iyo dabatagga danbiyada, xukuumadduna ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta iyo horumarinta caddaaladda oo muhiim u ah dalka.

Advertisement

Waxa uu xusay Mudane Xamsa in Boolisku uu yahay isha laga arko dal horumarkiisa iyo caddaaladdiisa, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la tayeeyo booliska iyo caddaaladda dalka oo ah labo qeybood oo iskabaya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha cusub, ayaa uga mahadceliyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hey’adihii gacanta ka geystay hirgelinta dhismaha cusub ee loo sameeyey Hey’adda Baarista Danbiyada ee C.I.D.

Previous articleAskari hore wax u dilay oo lagu fuliyay xukun dil ah
Next articleHanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka oo la daahfurey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here