Yaan Been laguu sheegin ee Taariikhda wax ka ogoow. Taariikh Been ah oo lagu celceliyay yaan Run lagaaga dhigin. Xaqiiqdu waa Ethiopia weligeed Saylac ma qabsan.

Asaxaabadii waxa ay ka soo dageen Eritrea oo aheyd dhul xabashidu maamusho kuna beegan Sucuudiga. Sucuudigu kuma toosno Saylac, saxaabaduna yaman kama imaan taa oo ku beegan Saylac. ( F.S:1aad)

Advertisement

Markii ay burburtay Boqotooyadii Adal kadib, intii u dhexeeysay Qarnigii 16-19aad waxaa Saylac xakumayay Ottomaaniyiintii Turkey, kuwaa oo xiriir iskaashi oo dhinaca Badda ah la lahaa Boqortooyadii Ajuuraan. ilaa ay ka yimaadeen Gumeeystayaashii Reer Galbeedku. Saylac waxa ay aheyd magaalo taariikhi ah ( F.S: 2-8aad)

Sanadihii 1855-1874 waxaa xakumayay Saylac Xaaji sharmaake oo somali ahaa, kadibna laga soo bilaabo 1874 muddo 11 Sano ah waxaa xakumayay Masaaridda oo xoog ku qabsatay.

Haddii aad kor iyo hoos u akhriso Taariikhda runtaa marna kuma arkeysid in Xabashidu Xakuntay Saylac. Fiirl Qoraaladda Taariikh yahankii Masaarida Al-Maqrizi ee Qarnigii 14aad iyo qoraagii islaamka Ibnu Hajar Al-Haytani ee Qarnigii 16aad.

Dadka waxaa lagu khaldaa Amiiradii Ethiopianka ee la dhihi Jiray Empress Eleni ayaa lagu yiri: Markii Harar la qabsaday waxaa laguu magacaabay Boqoradii Saylac bacdamaa aad Xiriir la leedahay Muslimiinta qaar, Laaki iyada lafteedu weligeed Cag sooma dhigin Saylac oo waxaa ay ka baqday in la dilo.

Afrika waxaa ku yaal 16 Dal oo aan Bad leheyn iskumana dayin in ay xoogaan Badaha deriska sida Ethiopia, Wadamadaa oo kala ah:

Botswana, Burkina Faso, Burundi, Central African Republic, Chad, Ethiopia, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mali, Niger, Rwanda, South Sudan, Uganda, Zambia, Zimbabw

Hadda waxaa la rabaa in Heshiis been ah laguugu soo galo, kadibna lagaala wareego Bad iyo Berriga.
Taariikhda fiiri, sida Heshiisyo Been ah badaha la isaga dhacay kadibna lagu milkiyay.

Xasuuso sida Holland ay ku hanatay Suriname, sida ingriisku ku hantay Folkland, Sida Norway ay Heshiis Been ah ugu qaadatay Baddii Denmark.

Sidaa Sucuudigu uu yaman uga kireystay deegaanka Jaysaan iyo Najraan muddo 100 sano ah, markii ay dhamaatay mudadii lagu heshiiyayna Sucuudigu waa diiday in uu yaman u celiyo dhulkeedii.

Latin Amerika, Dalka Bolivia ayaa Dalka Chile u ogolaaday in xeebaheeda ay Macdan ka qotaan, Cashuurtana aan lagu kordhin muddo 25 Sano ah, mudadii waa dhamaatay Bolivia Cashuurtii ayeey kordhisay, Chile ayaa Xoog Ciidan Badeed kula weerartay Bolivia uga qabsatay Baddii Dagaalkii loo yaqiin “Nitrate war” ilaa hadda Bolivia Bad dhan male, waxaana qaatay Badoodii Chile. Kadibna Chile Maxkamadda Aduunka ayey go’aankeeda diiday, Hal Qarni kadib weli shacabka Bolivia waxa ay banaanbaxaan, 23da Bisha March sanad kasata, Maalintii Badda laga xoogay baddaa oo aheyd 250 mile ayaana weli ka maqan Bolivia.

Baddaas waxa ay ku weyday Bolivia iyada oo saxiixday Heshiis hal dhinac ka faa’iidayo, markii ay isku dayday in ay wax ka bedeshana waa laga diiday.
Dalka Spain waxa uu kala wareegay Boqortooyada Marooko dhulka loo yaqaan “Melilla” markii Boqorkii wakhtigaa la siiyay Bushkaleetiyo “Bicycles” wakhtigaa soo baxay. Melilla waxa ay ku dhax taal Marooko waxaana laga helay Macdan, weli Marooko Dacwo ayey ku jirtaa.

Dunida Saldhigyo waa la kala kireystaa laakin 20km Saldhig ah weli lama arag.
Saldhigga Mareykanku uu ku leeyahay Jabuuti ee loo yaqaan “Camp Lemonnier” waa 2km oo laba jibaaran.
Sidoo kale kan shiinuhu intaa waa ka yar yahay dhowr Cm.

Saladhigga Caalamka ugu weyn waa kan loo yaqaan “Humphreys” ee Mareykanku ku leeyahay Koofurta Korea waana 6x2km oo kaliya, waxaa ku dhax yaal, Dugsiyo, isbitaalo, deegaano Qoysas iyo qeybta Ciidanka.
Saldhigga Ugu yar caalamku waa kan “port hadlock” weli Aduunka lama arag Saldhig gaarayo 20 km. Lamana arag saldhig lagu kireeyo 50 Sano, kan ugu badan waa 20 Sano.

Weli Ethiopia waxa ay ku jirtaa dhibaato, Eritrea waa diiday in Ciidamadeeda ay kala baxdo dhulkii ay ku qabsatay la dagaalankii Tigrega. Ethiopia waxa ay bixi la’dahay Mushaarka 70 ka Dollar ah oo ay Ciidamadeeda Siiso. Waxa ay rabtaa in ay aakhirka hanayo Ceelasha shidaal ee Heemaal 1&2 ee u dhexeeyo Lughaya iyo Saylac ee Shirkadda “Chevron” ee Mareykanku ay heshay Sanadihii 80-kii.

Aqoonsi ay Ethiopia ku aqoonsato ma ahan Aqoonsi, Dalka Qubrus oo aan tagay dhowr Sano ka hor waxaa Aqoonsan Hal Dal oo kaliya oo weliba ah Dal Ethiopia ka awood badan, welina Dowlad looma aqoonsan. Taiwan waxaa aqoonsaday 13 Dal, markii dambe 10 Dal ayaa ka noqotay. Waana suuratagal in Ethiopia ay Berri ka noqoto Aqoonsiga Beenta ah. Dalka Cosavo waxaa aqoonsaday 100 Dal haddana weli ma buuxin shuruudihii Dowladnimo loomana aqoonsano Dowlad.

Qorshahaan kuma eko Saylac oo kaliya, horaa Dalka loo soo galiyay Boqolaal Oromo ah, Maamul Gobaleedyadii qaar ayaa Madiidin laga dhigtay, Jaadkii, khamrigii iyo Passport-kii Ethiopia ayaa si fudud nalagu siiyay. Baadariga ugu weyn Kaniisadda Orthodox-ka Ethiopia ayaa codsaday in uu kaniisad ka furto Saylac isaga oo sheegay in Dad badan oo Somalia ay horeba ugu soo biiriyeen Diinta kirishtaanka.

Saylac Somalibaa leh.

Yaan been laguu sheegin ee Taariikhda wax ka ogaaw. ( F.S: 9aad)

Qore: Yahya Amir

Previous articleCiidamo Itoobiyaan ah oo ku soo qul qulaya Gobolka Geddo
Next articleDagaal Beeleed mar kale ka dhacay xadka Gobolada Sh.dhexe iyo Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here