In ka badan 20 xubnood oo  ka tirsan Alshabaab  ayaa lagu dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.

Howlgalkaan oo bartilmaameed ahaa ayaa lagu laayay saraakiil iyo xubno ka tiesan Alshabaab oo ku sugnaa Guri ku yaalla deegaankaas.

Advertisement

Dhinaca kale Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay Alshabaab ku lahayd deegaankan xilligaas ay shir ku lahaayeenxubno ka tirsan Alshabaab .

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan xubnihii halkaas ku sugnaa lagu dilay weerarka.

Previous articleTaliska Booliska oo Faah Faahin ka bixiyay Qarax ka dhacay Muqdisho
Next articleMudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Howlgabka & Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here