Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qararax ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho kaas oo aan wax khasaare ah geysan

Qaraxa ayaa dhashay Baabuur  siday khudaar oo ka yimid dhanka degmada Afgooye, wuxuuna  ka dhacay halka loo yaqaano Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Advertisement

Warar ayaa sheegaya in ay markii hore ka shakiyeen ciidamada ammaanka, isla-markaana Baabuurka uu qarxay xilli lagu guda jiray in baaris lagu sameeyo.

Qaraxan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmada Dayniile, waxana muddo kooban hakad galay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay laba nin oo la socday baabuurka qarxay, kuwaas oo isku dayay inay baxsadaan  mana sheegin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay degmada Deeyniile.

Afhayeenka Booliska ayaa tilmaamay in Maxkamad la soo taagi doono  labada qof ee la socotay gaariga maanta ku qarxay agagaarka warlaaliska ee degmada Deeyniile.

Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay Weerarad ay ku qaadayaan Fariisimaha Cidanka Dawlada Federaalka iyo degaanada ay ay ku sugan yihiin.

Previous articleXasan Sheekh oo looga digay in uu la safro Wasiirka Gaashaandhigga !
Next articleXubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay Duqaymo ka dhacay dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here