DOOLOOW (DAYNIIILE.COM)-Saacadihii ugu danbeeyay waxaa laga soo sheegayaa Gobolka Gedddo inay soo galeen Ciidamo  Itoobiyaan ah oo wata gaadiid badan oo kuwa gaashaaman ah iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Siyaasi Maxamed Aadan Rukow oo wareysi siiyay idaacada shabelle ayaa sheegay in Ciidamadaani soo galeen Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo oo saaran xad beenaadka itoobiya iyo Somalia.

Advertisement

Siyaasigaan wuxuu xusay inay hada buundada ka soo gudbayaan ayna aad u hubeysan yihiin.

“Waa ciidamo hor leh oo ay ku soo qufayaan Doolow,xitaa waxay wataan diyaaradaha Heylakobtariska”ayuu yiri Siyaasi Maxamed  Aadan.

Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay la socoto talaabooyinka Itoobiyaanku ay qaadayaan iyo ciidamada  xadka ka soo gudbaya.

Maalmihii ugu danbeeyay Ciidamada Itoobiya Magaalada Dooloow waxay ka wadeen dhaq dhaqaaq hibeysan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Itoobiya oo ka hadashay hadal heynta ka dhalatay damacooda dhul boobka
Next articleSAYLAC YAA LEH ¡

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here