Hantidhowraha Guud ee JFS Avv: Ahmed Isse Gutale ayaa maagaladda Vienna ee dalka Austria uga qaybgalay shir-weynaha hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara ee Qaramada midoobay (SDGs) gaar ahaan Yoolka 13aad oo ku saabsan Wax-ka-qabashada isbeddelka Cimilada Dunida. Shirkan oo ay ka qaygelayaan Hay’adaha Hantidhowrka ee 83 dal ayaa waxaa qabanqaabiyay Qaramada Midoobay iyo Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka (INTOSAI).

Avv. Ahmed Guutaale ayaa qayb ka ahaa mawduuc gaar ah oo ku saabsan doorka Hay’adaha Hantidhowrada ee wax ka qabashada Dhibaatooyinka Isbedelada Cimilida.
Sidoo kale, waxa uu Hantidhowraha Guud ee JFS shirka ka jeediyay bandhig ku saabsanaa Baaris uu Xafiiska Hantidhowrka JFS ku sameeynayo laba mashruuc oo uu Bangiga Adduunku maalgeliyay oo loogu talagalay Wax Ka Qabashada Fatahaadaha iyo Abaaraha kuwaas oo kala ah Mashruuca Biyoole iyo Mashruuca SCRP.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of ‎2 people and ‎text that says "‎The Office ofthe Auditor General of ofSomalia 1 ب Somali Federal GovernmentResponse Government Response to Floods & Droughts: SAI Somalia Audit INTOSAI‎"‎‎May be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people, dais and text that says "SOMALIA"
Previous articleRa’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay orodyahan guul usoo hooyay Dalka+SAWIRRO
Next articleSharci yaqaano lagu dilay marinka Qaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here