QAZA (DAYNIILE.COM)-odobo sarkaal oo sharci fulinta ah oo loo xilsaaray ilaalinta gargaarka iyo laba qof oo taagnaa, ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen baabuur ay saarnaayeen oo marayay magaalada Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha  Gaza.

Weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ayaa lagu burburiyay masaajid iyo guryo ku dhowaa xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Gaza, waxaana ku dhaawacmeen tiro badan oo caruur iyo haween ah.

Advertisement

Ugu yaraan 33,843 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 76,575 kalana waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

Dhanka kale Iran ayaa uga digtay Israa’iil inay la kulmi doonto “jawaab xanuun badan haddii ay qaadato tallaabada ugu yar si ay uga aarguto weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Tehran.

Israa’iil waxay ku boorisay 32 waddan inay cunaqabatayn ku soo rogaan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran iyo barnaamijkeeda gantaallada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Previous articleHanti-dhowraha Qaranka oo shir caalamiya kaga qeybgalay Dalka Austria+SAWIRRO
Next articleWadaad dhawaan Dowlada ku eedeeyay dagaalka Alshabaab oo xabsiga la dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here