DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusa-mareeb inay qabteen xabsigana u taxaabeen Sheekh C/raxmaan Axmed Rooble.

Wadaadaan ayaa dhawaan Masaajid ku yaal deegaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud wuxuu ka dhex eedeeyay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha isagioo ku dhaliilay qaabka uu kula dagaalamayo Alshabaab iyo waliba hubnka loo adeegsanayo.

Advertisement

Wadaadkaan oo lagu soo xirey xabsi ku yaal Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa ereyada uu adeegsaday waxaa ka mid ahaa in Madaxweyne Xasan hubka uu u adeegsaday alshabaab inuu ka mid yahay diyaaado halkii laga rabay inuu gaalada kula dagaalamo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadu markii ay soo qabteen siiyeen fursad ahayd inuu warbaahinta la hadlo raali geina uu ka bixiyo hadaladiisii hore balse uu diiday talaabadaasi inuu qaado.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Previous articleSharci yaqaano lagu dilay marinka Qaza
Next articleMaamulka Degmada Dayniile oo ka hadlay dilal Degmadaasi ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here