MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Laba nin oo shacaba ayaa maanta lagu dilay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan waaxda Kurdamac.

Nin hubeysan oo baxsaday ayaa dilay laba nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahu Cismaan Shidane iyo Cabdi Gedow, waxaana dilay nin isna magaciisa lagu sheegay Axmed Cismaan Geelle.

Advertisement

Dilalkaasi kadib waxaa saxaafada la hadlay Gudoomiye xigeenka Maamulka Degmada Dayniile  wuxuuna sheegay in labada la dilay iyo kan wax dilayba ay isku qabteen dhul dhaxal ah sidaana dhibaatadu ku timid islamarkaana gacan ku dhiiglihii uu baxsaday.

Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray in laamaha amniga ee degmada ku howlan yihiin sidii ay gacanta ugu oo dhigi lahaayeen gacan ku dhiiglaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWadaad dhawaan Dowlada ku eedeeyay dagaalka Alshabaab oo xabsiga la dhigay
Next articleSaciid Dani ma aqbali doonaa Casuumaada Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here