Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku Casuumay Madaxweynaha Maamulka Puntland shirka wada-tashiga qaran isaga iyo madaxda kale ee Maamulada dalka sidaan wararkeeni hore idinu soo gudbinay.

Dadka siyaasada u dhuunduleeda ayaa shaki weyn gelinaya in Saciid Dani uu ka qeybgeli doono shirka wada-tashiga qaran iyagoo taa badalkeeda aaminsan inuu diidi doono madaama uu jiro khilaaf kala dhexeeya Dowlada Somalia.

Advertisement

Shirkaan Madaxweyne Xasan isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku soo aadaya xili saacadihii ugu danbeeyay ay nairobi kulamo ku lahaayeen madaxda mucaaradka oo ay ka mid yihiin Xasan Cali Kheyre,Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxman Cabdi-shukuur Warsame.

Siyaasiyiinta Mucaaradka waxaa la sheegay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay u sameynsan lahaayeen isbahaysi xoog leh oo ay kaga hor tagaan Madaxweynaha hada talada haya Xasan Sheekh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Previous articleMaamulka Degmada Dayniile oo ka hadlay dilal Degmadaasi ka dhacay
Next articleDEG DEG: Wariye Xuseen Cabdule oo Xabsiga la dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here