MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wariye Xuseen Cabdulle ayaa subaxaan Xabsiga loo taxaabay sida lagu baahiyay bar uu isaga laftiisu ku leeyahay  baraha bulshada.

Ciidamo ka tirsan Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa xirey lamana faahfaahin sababta iyo waxa uu ku eedeysan yahay.

Advertisement

Taliyaha Cusub ee Hey”ada Nisa Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa amray  Xariga Wariyaha sida lagu baahiyay SYL Somali TV oo uu gudoomiye ka yahay wariyaha la xirey laftigiisa.

Inkastoo aaney cadey  ujeedka xariga hadana waxaa macquul in lagu heysto warbixin  maalin ka hor uu wariyuhu ka diyaariyay NISA gaar ahaan baaritaan ay ku hayaan cabashada Fanaankii dhawaan Geeriyooday ee Abshir Gaarane.

Wariyuhu wuxuu sheegay in Saraakiil NISA ay qireen in fanaankaasi xiligii Fahad Yaasin NISA  maamulayay in sifo sharci daro lagu xirey islamarkaana Alshabaab uusan shaqo ku lahayn lagu shaabadeeyay.

Si kastaba dhanka Dowlada wali kama soo bixin war ku saabsan xariga wariyahaan iyo waxa lagu soo eedeeyay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleSaciid Dani ma aqbali doonaa Casuumaada Xasan Sheekh
Next articleQM oo lagu inay Maanta Falastiin u aqoonsadaan Dal Madax banaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here