Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa war saxaafadeed ka soo saartay dhibaato ay ka tirsaneyso ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed wuxuuna u qornaa sidan:-

War saxaafadeed
MUQDISHO, 15 Janaayo 2024: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada.

Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Advertisement
Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.

Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.
Ugu dambeyntii, Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.
F.G: Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.
Dhammaad

May be an image of text

Previous articleMuqdisho waa diiday.
Next articleHay’ada Nabad sugida NISA iyo Hormuud maxay isku hayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here