Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Maanta waxa ay Markale Shixnado mucaawino ah u dirtay Shacabka Soomaaliyed ee sameenta ka soo gaartay Colaadaha qaraar ee ka socda Gobolka Sool si gaar ah Magaalada Lascaanood iyo deeganada ku dhaw.
Shixnadan mucaawinada ah ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee Raashinka kuwaas oo Markab lagu rarayo iyo Daawooyin oo iyagana diyaarado lagu daabuli doono si Dadkaas loo gaarsiyo,Gargaarkaan hore waxaa dalkeena ugu deeqay dowladdaha aan Saaxiibka nahay ee China iyo Turkiga.
Deeq Suleebaan oo ah la taliye sare ee arrimaha binaadanimo iyo xuquuqda aadanaha ee hay’ada maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliya oo ka hadlay gargaarkan ayaa yiri, ”maanta waxaan ugurmaneynaa gobolka Sool, raashin baan halkan dabuleynaa, bakhaaradan oo kuyaalla kasoo horjeedka dekadda. Hay’ada waxay daabuleysaa raashin gaaraya 500 oo tan oo ka kooban bariis, qamadi iyo bur. halkan ayaa maanta laga dabuleyaa inshaaAllah”.
Waxaana xusid mudan in sidaan oo kale bilihii u danbeeyey Hay’adda Gargaarkii ugu badnaa ay gaarsiisay Shacabka Laascaanood kuwaas oo iskugu jira Daawooyin, Raashin iyo Dhar,waxaana Muqdisho keentay Dad badan oo Rayid ah oo colaadaas ku wax yeeloobay si Cafimaadkooda loogu baxnaaniyo. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Hay’adda.