Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu arkay: Qodobka 6aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Advertisement

Markuu arkay: Qodobka 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu arkay: Qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed

Markuu arkay : Soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud

Markuu arkay : Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Cadddaalada

Markuu tixgeliyey: Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Farxadda Ciiddul Fidriga

Wuxuu xeeriyey

In laga bilaabo maanta oo Taariikhdu tahay 09-04-2024 uu cafis u fidiyo maxaabiista deegaanka ah ee u xidhan denbiyada fudud kuwaas oo kala badh qaatay xukun ciqaabeedkoodii. Cafiskan kama reebayo maxabiista la cafiyey xuquuqaadkii madaniga ah ee ay cid ku sheeganaysay.

Waxaa la farayaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo in uu fuliyo xeerkan.

Xeerkani wuxuu dhaqangalaya marka uu saxiixo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dawladda.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so

Previous articleMuxuu yahay warka walaaca ku abuuray qaar kamid ah xildhibaanada gobolka Soomaalida ee Kenya ee hadal haynta dhaliyay?
Next articleTaliye Sulub oo soo bandhigay Ciidamo dheeraad ah oo suga amniga maalmaha Ciida+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here