Tel aviv (dayniiile.com)-Hogaamiyaha mayalka adag ee Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa warbaahinta u sheegay ineysan aqbali karin in shacabka Falastiin maamushaan Magaalada Gaza waaba hadii ay dagaalka kaga guuleystaan Xamaas taasoo ah riyada reer Galbeedka.

Benjamin Netanyahu ayaa fikirkaan ku khilaafay Mareykanka oo u ololeynaayay in Madaxweynaha gacan ku rimiska reer falastyiin Maxamuud Cabaas maamulkiisa la hoos geeyo Gaza dagaalka hadiiba uu dhamaado.

Advertisement

“Ma jiri doonto maamul rayid ah oo caruurtooda bara naceybka Israel, laadayaan Israa’iiliyiinta iyo baabi’inta Dawladda Israa’iil.” ayuu yiri Netanyahu oo sabtidii shir jaraa’id qabtay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony ayuu ahaa masuulka Mareykanka ee ka dhawaajiyay in shacabka falastiin loo daayo maamulida Gaza, waxaana muuqata in si hoose ay isu ogyihiin iyaga iyo Yuhuuda,si kale marka loo dhigana mala awaalka wararka diblomaasiyadeed ee khilaafka u egna uu yahay sheeko la siyaaadeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Puntland oo Garowe kula shireyErgayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya+Sawirro
Next articleBooliiska Britain oo xabsiga dhigay banaan baxayaal taageersanaa Qadiyada Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here