London (daniiile.com)-Magaalada London oo shalay uu ka dhacay dibad bixii ugu dadka badnaa ee Yurub ka dhaca kaasoo lagu taageeraayay qadiyada reer Falastiin loogana soo horjeeday gumaadka Yuhuuda ku heyso shacabka Gaza ayaa ugu danbeyn keenay in xabsiga la dhigay126 taageerayaasha Falastiin ah.

Sida BBC-du sheegtay waxaa banaanbaxaan ku garab socday mid kele oo lagu weynaynayay xuska ciidamadii reer Britain kaga geeriyooday dagaalkii koowaad ee dunida.

Advertisement

Ra’iisal wasaaraha Britain Rishi Sunak oo ka hadlay labada koox ee dibad bayada iska soo horjeeda kala dhigay ayaa dibad baxayaasha taagersan qadiyada Falastiin ku tilmaamay inay ku kaceen dhaqan yahuud nacayb ah halka uu dhaleeceeyay rabshado uu sheegay inay ka dhaceen goobta xusustii dagaal-kii koowaad ee dunida.

Booliiska London  ayaa warbaahinta u sheegeen mar marsiyadooda xarigaasi inuu yahay markii ay rabshado sameeyeen islamarkaana laga helay Mindi iyo agab kale kadib baaritaano ay sameeyeen waa sida ay warkooda u dhigeen.

Ra’iisulwasaaraha iyo wasiirka arimaha gudaha Britain oo ka hadleen banaanbaxaan ayaa muujiyeen sida aysan raaliga uga ahayn in gudaha London lagu taagero Falastiin loogana soo horjeesto Israa’iil oo ah dowlad gacan ku rimis ah oo asalkeedu ay Britishu ku abuureen dhulka reer Falastiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHogaamiyaha Yuhuuda oo diiday inay Falastiin  maamulato GAZA  hadii ay ka saaraan Xamaas.
Next articleGuddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha El-Niño oo yeeshay Kulankoodii ugu horeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here