Waxaa shalay xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka kulan koodii ugu horeeyay ku yeeshay Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha El-Niño kuwaas oo ay ka qaybyihiin Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS, Wasiiro katirsan XFS, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Guddigaan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-degdeg ah, Gurmad iyo Tabarucaad loo sameenaayo Walaalaha Soomaaliyed ee dhibaatada ka soo gaartay Roobka dayrta kaas oo watay Daadad xoogan, iyo fatahaado ay sameyeen Wabbiyada Jubba iyo Shabelle.
Guddigaan ayaa warbaahinta u soo bandhigay Numbaro iyo Akoono wax loogu uruurinayo shacabka sameenta ay ka soo gaartay dadaadka iyo fatahaadaha, waxaana Bulshada Soomaaliyed loogu baaqay iyo dadka Allaah wax siiyey in ay ka qaybqataan gurmadkaan madaama walaalo samaaliyeed wajahayaan xaalad adag.
=















XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
















