Baladweyne (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan  ayaa sheegaya in xalay iyo Saaka uu fatahaad hor leh  sameeyay wabiga xili hore cabsi loo qabay oo dadku dhagta u taagneyd.

Xaafada Howlwadaag ayaa la soo sheegayaa inay ugu daran tahay oo Guryuhu ay biyuhu galeen markii wabigu soo jabsaday kar kaarada oo hore dad weynuhu jawaano u dhigeen.

Advertisement

Inkastoo wax khasaare nafeed ah aan la soo sheegin hadana barakac  ayaa jira inkastoo qoysas badana hore uga sii careen Magaalada si aysan caruurtu wax yeelo u soo gaarin.

Fatahaadaan cusub ee Baladweyne waxaa loo badaniyaa in dadkii ku haray dhanka qoraxsin inay saaka ka barakici doonaan halka dhanka bari hore  ay u barakaceen dadkii ugu badnaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGuddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha El-Niño oo yeeshay Kulankoodii ugu horeeyay
Next articleHay’ada Caafimaadka WHO oo ka digtay Caruunta lagu xasuuqayo Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here