War ay soo saartay Hay’ada Qaramada Midoobe qeybtooda Caafimaadka ee loo yaqaan WHO ayay si adag kaga hadleen xaalada amni iyo tan caafimaadka ee ka jirta Magaalada go’doonsan ee Gaza.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom, ayaa warbaahinta u sheegay in celcelis ahaan 10-kii daqiiqaba hal carruur ah lagu dilo magaalad Gaza.

Advertisement

Masuulkaan mar uu hadal u jeedinaayay fadhiga Qaramada Midoobe ayuu ka digay qatarta ka dhalan karta xasuuqa lagu hayo shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan Gaza.

Tedros Adhanom mar uu soo hadal qaaday xaalada caafimaad ee Gaza ayuu warbixintiisa ku sheegay in bukaano badan jiifaan Isbitaalada Gaza xili ay ka dhamaaden dhamaan daawooyinkii isbitaalku wax uga qaban lahaa baahida bukaanada.

Shalay ayay ahayd markii Ururka Islaamka uu kulankoodii sacuudiga ka soo saaray dalabkooda oo ah in si dedeg ah loo joojiyo xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWabiga Shabelle oo Saaka fatahaad hor leh ka sameeyay Baladweyne
Next articleDAAWO VIDEO: Sh. Mukhtaar Rooboow “wasaarada Diinta waxaa soo martay 34 Wasiir,anigaana ku guuleystay inaan dhiso Xarunta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here